RW Khayre oo kula la dar-daarmay Maamulka Gobolka Benadir adkeynta Amniga Caasimadda

Date:

Muqdisho, 21 June 2017 –Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galey kulan Todobaad la ah oo ay iskugu yimaadaan gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir kaasoo looga hadlayey xaalada magaalada Muqdisho. Waxaana kulankan shir gudoominayey gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo lagu marti qaadey kulanka ayaa madaxda gobolka Banaadir ka dhagaystey qorshayaal la doonayo in lagu hormarinya magaalada Muqdisho si ay ula jaan qaado caasumadaha caalamka sidoo kalena intii uu socdey shirku waxaa lagu falanqeeyey xaalada amaan ee gobolka iyo sidii loo sugey amnaanka caasumada bisha Ramadaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo la dar daarmey maamulka gobolka Benaadir ayaa yiri” waxaan soo jeedinayaa iney si dhow u wada shaqeeyaan ciidanka xasilinta amaanka Muqdisho iyo gudoomiyayaasha gobolka Benadir si loola socdo dhaq-dhaqaaqa kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab maadaama ey shacabka Soomaaliyeed u diyaar garoobayaan farxada maalinta ciida.

“Waxaan aad uga murugeesanahey qarixii shaley ka dhacey degmada Wadajir ee gobolka Benaadir kaasoo lagu dhibaateeyey hooyooyin iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo u shaqeenayey dalkooda,waxaana Rabi uga baryayaa inuu dambigooda dhaafo maadaama ay shahiideen 10-kii dambe ee bisha Ramadaan balse Mas’uulayadiisa waxaa qaadanaya madaxda wadanka oo aan ugu horeeno anaga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxuu maalmihii ugu dambeeyey wadey kulamo gaar gaara oo uu la yeelanayo laamaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir isagoona kala xaajoonaya sidii loo sii xoojin lahaa xasilinta amaanka Muqdisho.

—–DHAMMAAD—

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...

Taliyaha CXD oo dalacsiiyay ciidamadii ku guuleystay howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah...