Ra’iisul wasaare Kheyre oo Muqdisho kula kulmay wasiirka Horumarinta UK

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee UK Ms Priti Patel

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin taageerida UK ee Soomaaliya iyo sidii horumarka ay ku tallaabsaday dowladda Soomaaliya loo xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay doorka UK ka qaadaneyso dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Arrimaha sida gaarka ah ee diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah kulanka maalgashiga iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka oo dhowaan la qaban doono.

UK ayaa dhowaan marti gelisay shir caalami ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, kaasoo bishii la soo dhaafay ka dhacay magaalada London.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- After more than half a century, the Somali...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Muddo ka badan nus qarni kadib , shacabka...

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf,...

Baarlamaanka Carabta oo soo dhaweeyay doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mudane Maxamed bin Axmed Al-Yamaaxi, ayaa...