50 dhallinyaro ah oo Al-Shabaab ka soo goosatay

Date:

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in 50 dhalinyaro ka tirsanaa Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen, iyagoo ka faa’ideysanaya cafiskii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay.

Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa sheegay in dhalinyarada ay bilaabeen inay isa soo dhiibaan labadii bilood ee u dambeysay.

“50 dhalinyaro oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, waxay ka faa’ideysteen cafiska uu Madaxweynaha Jamhuuriyada u fidiyay”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 6-dii bishii April ee sanadkan ugu baaqay dhalinyarada la qalday ee ka tirsan Al-Shabaab inay isku soo dhiibeen dowladda Soomaaliya, isla markaana uu cafis u fidiyay muddo 60 cisho gudahood.

Dowladda Federaalka ayaa gacanta ku heysa xarun dhaqan celin ku taalla magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku jiraan boqolaal dhalinyaro oo horay uga soo goostay Al-Shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...