Madaxweyne Faladamiir Putin oo sheegay in khilaafka dalalka Khaliijka uu caqabad ku yahay la dagaalanka argagixisada

Date:

Hadalkaan ayuu sheegay kadib markii Wadahadallo uu qadka Taleefanka kula yeeshay Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi-casiis

Bayaanka kasoo baxay Aqalka Karmaliinka ayaa lagu sheegay in Ruushka uu u cadeeyay Sacuudiga in uu ka xun yahay khilaafka isaga oo u sababeeyay in dhibaatada Qadar aysan xal u aheyn nabadda Siiriya.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Putin ay sidoo kale taleefanka kuwada hadleen Sheekh Maxamed Binu Zaayd, waxana ay ka wada hadleen sidii xal diblumaasiyadeed loogu heli lahaa khilaafka labada dhinac.

Dhanka Wasiirka arrimaha dibadda Qadar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Aala Thaani ayaa ka dalbaday Dowladaha Khaliifka in ay keenaan Cadeyn sugan oo la xiriirta in ay faragalin ku sameeyeen danaha Dalalkooda.

Waxa uu tilmaamay in cidna aysan xaq u laheyn in ay is hortaagto siyaasadaha arrimaha dibadda ee Dowlad madax banaan, mar kale ayuuna beeniyay in ay maalgaliyaan argagixisada.

“waa baadil in  Qadar ay taageerto argagixisada. sababtoo ah waxa ay qeyb ka tahay isbaheysiga caalamiga ah ee ka dhanka ah Daacish, waxa ay ku bixisay malaayiin dollar ladagaalanka argagixisada iyada oo loo marayo dhinac waxbarashada, xoojinta wadahallada iyo shaqo abuurka dhallinyarada.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Qadar.

Sacuudiga, Imaaraatka, Baxreyn iyo Masar ayaa hawada iyo bariga dalalkooda ka xirtay qadar kadib markii ay xiriirka u jareen toddobaadkii hore iyaga oo ku eedeynaya in ay taageero Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...