Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS oo kulan wadatashi ah ku qabatay Puntland

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi oo ka dhacay Xarunta Cilmibaarista ee Nabadda iyo Horumarinta Puntland u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee deegaanada Puntland, waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin katirsan dawlad goboleedka Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Puntland iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Baarlamaanka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil isaga oo sheegay in uu aad ugu farxasanyahay kulanka.

“Aad ayaan ugu farxsanahay aniga iyo wafdiga ila socdo ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka in aan maanta kulamadii wadatashiga ee hannaanka dib u eegista Dastuurka aan soo gaarsiino Puntland inaga oo ku sii wajahan dhamaan Dawlad Goboleedyada” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Qaar kamid ah dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa su’aallo ku saabsanaa Qorshaha Guud ee Geedi-sicidka dib u eegista Dastuurka weydiiyay Wasiirka, sidoo kale waxa ay aragtiyo muhiim ah la wadaageen Wasaaraadda.

Kulankan maanta ka dhacay magaalada Garoowe waxaa xigi doona kulamo ceynkan oo kale ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto caasimadaha dawlad goboleedyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...