Dab qabsaday dhisme  ku yaalla London

Date:

Dab xoogan ayaa qabsaday dhisme 27 dabaq ka kooban oo ku taala galbeedka magaalada London ee dalka UK saaka aroortii hore xilliga dalkaas.

Muuqaalo argagax leh ayaa la soo dhigay baraha bulshada kuwaas oo muujinaya olol ka baxay dhismahaGrenfell ee xaafadda White City.

Duqa magaalada London Sadiq Khan  ayaa yiri ” In lagu dhawaaqay in dhibaato weyn dhacday”.

Booliiska ayaa sheegay in ay wali socoto daad gureynta dadka Sadex saacadood kadib markii dabka uu bilowday

Dhimsaha ayaa sida la sheegay waxaa deganaa in ka badan 600 oo ruux oo shacab ah kuwaas oo halkaas naftooda kala baxsaday.

Kooxaha gurmadka deg dega oo ay ku jiraan kuwa dab damiska ayaa goobta ku sugan, iyadoo la soo sheegayo in qof laga cabsi qabo in uu ku geeriyooday.

200 oo shaqaalaha dab damiska ah ayaa ku howlan in ay dabkaas bakhtiyaan, adeega Ambulance ee magaalada London waxaa ay sheegeen in 30 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba ay geeyeen xarumaha caafimaadka.

Booliiska ayaa dadka ka soo daadgureeyay dhismaha dabka qabsaday, ilaa iyo hadda si rasmi ah looga xaqiijin sababta keentay dabkan waxaana la sheegay in dabka uu ka bilowday dabaqa koowaad isla markaana kuwo kale ku fidey.

Kooxaha dab damiska ayaa la sheegayaa in ay mararka qaar ku adkaato in ay u dhowaadaan dabka kuleelka ka imaanaya dartiis.

 

Xigasho: Daily Mall

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...