Wareegto ka soo baxday xafiika wasiirka wasaaradda Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa lagu faahfaahiyay goโaanada ku saabsan sugidda amniga masโuuliyiinta dowladda.
Wsiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in muddo afar iyo toban cisho gudahood ay masโuuliyiinta dowladda ku soo diiwaan geliyaan ilaaladooda gaarka ah, waxaana uu xusay in tani ay qeyb ka tahay goโaankii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa sugitaanka Amniga iyo Xasalinta Amniga caasimadda, goโaankasi oo ku taariikheysnaa 11 May ee 2017.
Goโaanka Golaha Wasiirada faqradda 7-aad oo uu dhigan sidan. โWaxaa laga mamnuucay dhammaan qofkasta oo ay ku jiraan Masโuuliyinta dowladda in magaalada Muqdisho aysan ku dhex wadan karin ilaalo ka badan 4 askari iyo ugu badnaan 2 gaari, mana qaadan karaan qori ka wayn AK47โ.
Si loo dhaqangeliyo goโaankaasi ayuu Wasiirka Amniga ugu qabtay Xildhibaananda labada aqal, Xubnaha Golaha Wasiirada iyo dhammaan Masโuuliyiinta kale ee dowladda in muddo afar iyo toban maalmood (14) gudahooda ay ku soo diiwaan geliyaan ilaalada gaarka ah iyo Hubka ay sitaan, waxayna diiwaan gelinta ka bilaabaneysaa xarunta Hogaanka Dambi baarista (C.I.D)