Wasaaradda Haweenka oo tababar la xiriira fahamka xaquuqda carruurta u qabatay qeybaha bulshada

Date:

Tababar wacyi galin ah oo la xiriirta Fahamka Xuquuqda Carruurta, diyaarinta warbixinta  heshiiska Caalamiga ee Axdiga Carruurta ayaa loo qabtay qaar  ka mid ah Xildhibaanada Golaha  Shacabka, Saraakiisha hay’adaha Dowladda iyo  Bulshada Rayidka.

Siminaarka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa socday muddo hal cisho ah, waxaana diiradda lagu saaray inta uu socday wacyigelinta fahamka xuquuqda carruurta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Deeq  Suleyman Yuusuf  oo si rasmi ah u furay siminaarka ayaa sheegay in u jeedka tababarka uu yahay in si fiican qeybaha bulshada looga fahamsiiyo xaquuqda carruurta, isagoo intaa ku daray inay joogteyn doonaan tabbabarada nuucaani oo kale ah.

Madaxa barnaamijyada xaquuqda carruurta ee Wasaaradda Haweenka Maxamed Cabdi Cali oo siminaarka bixinayay ayaa si wacan u sharxay hanaanka ku aadan fahamka xaquuqda carruuurta iyo diyaarinta warbixinta heshiiska caalamiga ah ee xaquuqda carruurta, iyadoo ka qeyb galayaasha ay ka dhiibteen aaraah kala duwan.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Qoyska iyo Xaquuqda carruurta Marwo Faadumo Maxamed Macalin oo soo xirtay siminaarka ayaa sheegtay in tabbarada nuucaani oo kale ah ay  yihiin kuwa lagu baraarujinayo qeybaha bulshada, si ay door uga qaataan ilaalinta xaquuqda carruurta.

Xildhibaan Dahabo Suusow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa ka hadashay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xaquuqda carruurta, waxaana ay hoosta ka xariiqday in ka Xildhibaan ahaan ay door ka qaadan doonaan sidii bulshada loogu wacyi gelin lahaa ilaalinta xaquuqda carruurta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...