Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shir gudoomiyay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Gargaarka

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada JFS Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar) ayaa maanta guddoomiyey Shir heer sare ah.

Wafdi heer sare ah oo ka kala socda Qaramada Midoobey, Midowga Africa, Ururka Caalamka Islaamka (OIC), xubno ka kala socday wadamada Sacuudiga, Kuwait, Qatar ayaa soo gaaray Muqdisho iyagoo u kuurgalaya xaalada Geeska Afrika ee Abaaraha.

Dhanka Dawlada Federaalka waxaa kulankan muhiimka ah uga qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka, La taliyeyaal ka kala socday xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo hadal kooban u jeediyey wafdigan caalamiga ah ee soo gaaray dalka ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey booqashadooda iyo sida beesha caalamku ugu soo gurmaday Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu hoosta ka xariiqay in weli loo baahanyahay gurmad deg-deg ah iyo in mashaariic horumarineed laga fuliyo dalka si loo baajiyo abaaraha soo noqnoqday, isla markaasna shacabka loogu abuuro shaqooyin ay howlahooda ku maareystaan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Dawladu ay mudnaan gaar ah siisey arrimaha Garagaarka oo Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka la sameeyey oo dadaal weyn ku bixisey xiriirka iyo iskudubaridka arrimaha gargaarka. Sidoo kale RW ku xigeenka ayaa sheegay in Guddiga Qaranka ee Abaaraha uu dadaal fara badan ku bixiyey in shacabku is gargaaro isla markaasna ku guuleystay in lacag ka badan 6 milyan oo dollar ay shacabka Soomaaliyeed iska soo ururiyeen.

Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa wafidga heerka caalami ah ee soo gaaray Muqdisho ugu baaqay inay booqdaan xerooyinka barakacayaasha ah isla markaasna u rajeeyey inay waqtigooda ay joogaan Soomaaliya ay si wanaagsan uga xog wareystaan Wasaaradaha Gargaarka iyo Qorsheynta si mashaariicda horumarineed ay u noqdaan kuwo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Wafdiga heerka sare ee ka kala scoday QM, Midowga Afrika, Ururka Caalamka Islaamka, wadamada Sacuudiga, Kuwait, Qatar iyo hay’adaha gargaarka ayaa ku ammaanay Dowlada Federaalka dadaalka ay ku bixisey sidii abaaraha loo yareyn lahaa oo suurtogalisey in laga hortagay in abaarahu noqdaan macluul.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo guddoomay Shahaadada Musharaxnimada

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharraxiinta...

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...