Degmada Shangaani oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka

Date:

Habeenka 16-aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyinka Gaalkacyo oo ka tirsan gobolka Mudug iyo Shangaani oo ka tirsan gobolka Benaadir.

Tartamayaasha labada degmo qeybta hore waxaa la weydiiyey degma kasta afar su’aal, iyadoo kaddib qeybta nasashada lagu soo bandhigay warbixinnadii taariikhda labada degmo ka hadlayey, qeybta labaad ee tartan cilmiyeedka markii uu dhammaadey guddiga ayaa shaaciyey in labada degmo ay bar-bar dhac noqdeen oo ay la yimaadeen min Lix dhibcood, sidaa darteedna loo baahan yahay su’aallo dheeri ah, guddiga ayaa ku daray su’aallahaas.

 Natiijada Gaalkacyo

Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa la weydiiyey toddobo su’aal, waxa ay guud ahaan su’aallaha tantanka ka jawaabbeen saddex su’aal iyagoo helay  Lix dhibcood (6 dhibcood).

Natiijada Shangaani

Degmada Shangaani ee gobolka Benaadir, waxaa iyaguna la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah  uga jawaabbeen su’aallaha guud ee tartanka afar su’aal, waxa ay heleen Siddeed dhibcood (8 dhibcood), degmada Shangaani ayaana u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee bisha Ramadaan

Habeen dambe waxaa tartami doona degmooyinka Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag iyo degmada X/weyne oo ka tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...