Maamulka Degmadda Hobyo oo soo dhaweeyey Heshiiska dowladdaha Soomaaliya iyo India.

Date:

Gudooomiyaha Degmadda Hobyo ayaa Si weyn usoo dhaweeyey in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku guuleysatay Heshiis lagu doonayo in dalka loo soo wareejiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo Dalka Dibadiisa ku xiran.

Gudoomiyaha ayaa aad ugu mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Ra’isul Wasaaraha Dalka oo uu sheegay in ay howl wanaagsan qabteen madaama ay ku guuleysteen in muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalka dibadiisa ku dhibanaa loo soo wareejiyo gudaha Dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Salaad Xaashi diirshe oo ah Waalidka qaar ka mid ah Maxaabiista ku xiran Dalka India ayaa Soo dhaweeyey Talaabada ay qaaday Dowladda Soomaaliya asagoo xusay in ubadkooda ay halkaas aad ugu dhibanaayeen isla markaana marwalbo xaalad halis ah looga soo sheegi jiray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maxaabiista ku xiran dalka india aysan wada ahayn Burcad Badeed waxa uuna xusay in qaar badan oo ka mida ha ay ahaayeen kaluumeysto lagu xadgudbay isla markaana cadaalad daro lagu heystay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...