Eng. Yarisow โ€œUganda oo naga aqbashay fudueynta Dal-Ku-Galka Ugandaโ€

Date:

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo maalmahan booqasho ku jooga dalka Uganda ayaa kulan la qaatay Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Uganda ahna Wasiiru Dowlaha Mr Obiga Kania. Labada masโ€™uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah sida in Soomaalida loo fududeeyo dal-ku-galka dalka Uganda, sharciyada dal-ku-joogista iyo arrimo kale.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horeyn Wasiirka uga mahadceliyey qaabilaadiisa iyo sida dalka Uganda loogu soo dhoweeyey. Wasiir Yarisow ayaa warbixin kooban ka siiyey Mr Obiga Kania xaalada dalka, iyo horumarka ay dowlada ku tallaabsatay tan iyo 8dii Feberaayo.

Wasiir Obiga Kania ayaa Wasiir Yarisow uga mahadceliyey booqashadiisa, waxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey doorashadii 8dii February iyo sidii sida nabada laheyd oo ay Madaxdu u kala wareegeen Madaxtinimadii. Wasiir Kania ayaa sheegay in Dowlada Uganda ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka wallaaltinimo ee labada dal.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ka codsaday Wasiir Obiga Kania in Soomaalida loo sahlo oo loo fududeeyo Dal-ku-galka isagoo sheegay in tan iyo intii online laga dhigay dalbashada visaha ay adkaatay helisteeda, iyadoo ardey fara badan oo Jaamicadaha Uganda iska diiwaangeliyey ay ku adkaatay in dal-ku-galkii ay ku helaan waqtigii ay waxbarashadu bilaabaneysey. Sidoo kale Wasiir Yarisow ayaa ka codsaday Wasiir kania in ardeyda Jaamicadaha ka barta Uganda loo fududeeyo sharciyada dal ku joogista (Student Pass). Ugu danbeyntii Wasiir Yarisow ayaa ka codsaday in Soomaalida loo fududeeyo dal ku galka Uganda.

Ugu danbeyntii Wasiir Obiga Kania ayaa sheegay inuu dib u eegis ku sameyn doono oo Soomaalida loo fududeyn doono inay helaan Dal-ku-galka dalka Uganda, isagoo sheegay in Soomaalida ku sugan Uganda ay yihiin dad sharaf iyo karaama leh, bulshada Uganda ay aad u jecelyihiin. Sidoo kale waxuu ballanqaaday in ardeyda loo fududeyn doono student pass.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
media@moi.gov.so

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo shir guddoomiyey shirka Guddiga Farsamo Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi...

Golaha shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka Barakacayaasha iyo dad dhigista

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo saaka booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iiman Cige oo...