Degmada Shibis oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Date:

Habeenka Kow Tobnaad tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo waxaa ku tartamay degmooyinka Shibis iyo Deyniile oo ka wada tirsan gobolka Benaadir

Labada degmo qeybta hore ee tartanka waxaa la weydiiyey min afar su’aal, waxaa la galay nasasho yar, iyadoo kaddib lagu soo bandhigay warbixinnadii taariikhda degmooyinkaas ka hadlayey, waxaa loo gudbay qeybta labaad ee tartan cilmiyeedka.

Natiijada Deyniile

Degmada Deyniile ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal laba ka mid ah ayeey ka jawaabbeen shan waa ay iska qaldaan, wax ka faa’ideysi ahna ma helin, sidaas ayeey afar dhibcdood ku uruursadeen (4 dhibcood).

Natiijada Shibis

Degmada Shibis ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal iyaguna, waxa ay si sax ah uga jawaabbeen laba su’aal, hal ka faa’ideysi ah ayeey sidoo kale ka jawaabbeen, shanna waa iska qaldeen, sidaas ayeey ku uruursadeen Shibis Lix dhibcdood ( 6 dhibcood), degmada Shibis ayaana u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee bisha Ramadaan.

Habeen dambe waxaa tartan adag uu dhexmari doonaa degmooyinka C/casiis iyo Howl-wadaag oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...