R/Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la dar-daarmay Ardayda Jaamacadaha Dalka.

Date:

Muqdisho, 07 June 2017….Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa boqolaal ardey oo isaga kala yimid Jaamacadaha dalka, kula hadlay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, wuxuna kula dar-daarmay in wadajir loogu istaago sidii looga shaqeyn lahaa Soomaaliya mar kale cagaheeda isu taagtay oo ka tilmaaman dalalka kale ee Caalamka.

Raโ€™iisul Wasaaraha sheegay in dib-u-howlgelinta Jaamacadda Umaddu ay tahay astaan qaran, isla markaana ay Xukuumaddu xooga saari doonto sidii loo dhisi lahaa guud ahaan xarumaha ay leedahay Jaamacaddu, gaar ahaan xarunta weyn ee Gaheyr.

โ€œDalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumari kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marinaa tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalkaโ€ ayuu yiri R.Wasaare Xasan Cali Kheyre oo intaas raaciyey .

โ€ Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho. Taacliinta sare kaalin weyn ayey kaga jirtaa horumarka iyo xasilinta dalka, dhalinyarada maanta hortayda fadhida waa mustaqbalkii bari iyo hoggaamiyeyaashii ina badeli lahaaโ€.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku dheeraaday halgankii gobonimo doonka iyo doorkii shariifka ahaa ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka qaateen, gaar ahaan SYL iyo sidii uu ku yimid bilowgii feker-kaasi . Wuxuna hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in jiilka cusub laga helo dhalinyaro leh feker lamid ah kii 13-kii SYL.

Jaamacadda Ummadda ayaa kaalin sare kaga jirtay soo saaridda aqoonyahano iyo xirfadlayaal ka hor inta aanay burburin dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare, Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummada oo dhamaantood tilmaamay ahmiyada kulankani u leeyahay dhalinyarada waxbaratay.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...