Madaxweyne Farmaajo oo tagey Kismaayo (Sawirro)

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, halkaasoo wafdiga Madaxweynaha si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo bulshad reer Kismaayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, iyagoo ka wada hadli doona arrimaha Federaalka iyo  dagaalanka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Kismaayo, waxaa Madaxweynuhu kormeeri doonaa Dekeda Kismaayo iyo goobo kale.

Ammaanka Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana laga dareemayaa degaansho iyo in isbaddel uu ku yimid, dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada.

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...