Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada oo billowday adeeggii Astaanta Qaran ee Internetka (.SO)

Date:

(Muqdisho – June 06, 2017) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo billaabay adeegyadii astaanta internet-ka ee qaranka Soomaaliyeed (dotSO) ee loogu talogalay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo is daba joog ah oo qeyb ka ah qorshe 90 maalmood ah, oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada, kaasi oo ay Wasaaraddu ku dooneyso inay adeeggaas uga dhigto mid si buuxda uga hawl-gala gudaha Wasaaradda.

Bishii May ee sanadkan waxaa si rasmi ah u billowday in dhammaan wasaaradaha dawladda loo sameeyo emails leh astaanta dowladda ee (.gov.so). Marka la dhammeeyo adeegyada hay’adaha federaalka, waxaa qorshaha ku jira sidii adeegga dotSO loo gaarsiin lahaa dawlad-goboleedyada, shirkadaha, waxbarashada iyo guud ahaan shacabka, si muwaadiniintu uga faa’iideystaan adeeggan ay xaqa u leeyihiin.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in isla markii uu xilka la wareegay inuu mudnaanta 1aad ka dhigtay in adeegga astaanta qaranka ee internetka uu si habsami leh uga shaqo billaabo dalka, isagoo hoos imanaya wasaaradda. “Waxyaabo badan ayaa noo hirgalay muddo kooban gudaheed. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada oo nagu taageeray qorshaha aan arrintan u sameynay iyo cid kasta oo nagala shaqeysay hawshan.”

“Astaanta qaranka ee internet-ka waa aqoonsiga aan ku leenahay internet-ka. Haddii aan isticmaalno waxaan muuqaal wanaagsan ka bixineynaa wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee aan matalno iyo guud ahaan dawladdaba. Haddaba waxaan ku wargelineynaa dhammaan hay’adaha dawladda inay soo dalbadaan cinwaanno (domains) iyo email-o shaqo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirka.

DHAMMAAD –

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...