Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey Xarunta iyo Akademiyada Booliiska(Sawirro)

Date:

Muqdisho, 31 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagey Xarunta Booliiska iyo Akademiyada Jeneral Kaahiye ee Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaalada Booliiska ay ku howlgalaan iyo inuu dardargeliyo dadaalka ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Salaan sharaf ku qaatay Xarunta Booliiska Soomaaliyeed halkaas oo uu xafiisyada kormeeray si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee booliiska. Qeybaha uu booqday waxaa ka mid ahaa qeybta CCTV, qeybta InterPol, iyo qeybaha kale ee Booliiska.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday Akademyiada Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye oo uu halkaas kula hadlay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuna dhiirigeliyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada u hayaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booliiska ku ammaanay doorkii saliimka ahaa oo ay amniga u sugeen xilligii Imtixaanada Dugsiyada Sare ay socdaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu danbeyntii Boolliska kula dardaarmay inay shacabka u adeegaan oo lagu qiimeyn doono sida ay hadba bulshada ula dhaqmaan.

Ra’iiusul Wasaare Khayre ayaa sheegay in loo baahanyahay in shacabka ay u soo cararaan booliiska oo ay kalsooni ku qabaan. Waxuuna ka codsaday booliiska inay qiimeeyaan heerka kalsoonida shacabka ka dibna ay la yimaadaan tallaabo kasta oo ay ku kasban karaan kalsoonida shacabka.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...