Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kulan la qaatey qaar kamid ah Hawenka Soomaaliyeed(Sawirro)

Date:

Muqdisho, 31 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la qaatey qaar kamid ah Haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna kala hadley qaabkii la iskaga kaashan lahaa shaqada dalka ka socto haweenkuna ay qayb tooda uga qaadan lahaayeen howsha Qaran.waxaana kulankan soo qaban qabiyey Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah Haweenkii ka soo qayb galey kulanka ayaa cadeeyey inay garab taagan yihiin dowlada isla markaan ay ka qayb qaadanayaan dib u dhiska dalka iyo xasilinta amniga,waxeyna ku dhiiri galiyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumadiiisa sida dardarka leh ee ay shaqada u wadaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaaa sheegey in Haweenku ay yihiin laf dhabarka bulshada sidoo kalena ay u nugulaayeen dhibaatooyinkii ka dhici jirey dalka kuwaasoo ay goob joog u ahaayeeen ,sidaas dardeedna loo baahan yahey inay hurmuud u noqdaa sidii loo wacyi galin lahaa dadka taasin ay fududayneyso in bulshada la fahansiiyo muhiiimada dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamey in Haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin a dib u dhiska dalka iyo soo celinta sharftii ay la haayeen dadka Soomaliyeed,waxuuna uga mahed celiyey xiligii uu dalku ku jirey burburka sidii ay Hawenku iski xilqaameen una bad baadiyeen qaybaha kala duwan ee shacabka.

“Waan la soconaa dhibaatooyinka ay la kulmaan haweeenka Soomaaliyee oo ay ugu horeyso Kufsiga iyo in mararka qaar la dulmiyo wixii ay xaq u lahaayeenn, balse waxaaa looga baahanyahey Haweenkeenu iney is abaabulaan una diyaar garoobnaan dib u dhiska dalka bulshadana ay ku dhiri galiyaan iney aamniaan dolwadooda si loo gaaro horumar iyo nabad”ayuu yir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Kulankan waxuu qeyb ka noqonayaa shirar gooni gooniya oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu la yeelanayey qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si uu ula wadaago talooyinka dalka.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...