Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo la kulmay Guddiga Arrimaha Badda.

Date:

Muqdisho, 2017-05-31…..Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalkaah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa la kulmay Guddiga Arrimaha Badaha, waxana warbixino ku saabsan xaaladda aminiga, kheyraadka iyo maamulka Badda laga dhageystay Wasaaradaha Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda iyo Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda.

Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa ugu horeyn ka hadlay fulinta go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee la xiriiray arrimaha badaha, gaar ahaa kuwa mudnaanta u leh dawladda Soomaaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto Kheyraadka ku jira, sidoo kalena loo dadajin lahaa dhismaha ciidanka Ilaalinta Xeebaha (Coast Guard).

Wasiirka Kalluumeysiga Mudane C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay arrimaha kaluumeysiga sharci darrada ah, waxana uu soo hadal qaaday shir looga hadlayay arrimahaas oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles oo baaqday, isagoo tilmaamay in arrimihii uu shirkaas u baaqday ay kala xaajoonayaan cida ay quseyso isla markaana uu dhawaan qabsoomi doono shirku.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Marwo Maryan Aweys ayaa soo bandhigtay sidii loo dhameystiri lahaa turjumidda iyo meel marinta sharciga Badda oo muhiimad weyn u leh dhaqan galkiisa dalkeena, waxana ay Wasiirku codsatay in la dadajiyo loona fududeeyo Wasaaradda wax walba oo gacan ku siin kara sidii uu sharcigani u noqon lahaa mid dhameystiran.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiirada, Maaliyadda, Difaaca, Arrimaha Dibedda iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo dhamaantood ka tirsan Guddiga Arrimaha Badda

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Switzerland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Switzerland Marwo Karin Keller-Sutter oo Warqadaha Aqoonsiga ka...

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa gargaar raashin...

R/W Xamse “Tallaabo ayaa laga qaadi doonaa cid kasta oo dhib u gaysata haweenka Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...