Madaxweyne Farmaajo oo u Magacaabay Fahad Yaasiin Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS

Date:

FAAFIN DEGDEG AH

31ka May 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo.”

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadcelinayaa Agaasimhii hore Madaxtooyada Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo ahaa shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...