Ra’isul Wasaaraha oo booqday Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Date:

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  oo ay wehliyaan Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta booqday xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Ciidamo katirsan booliiska Somaaliya ayaa salaan sharaf iyo gaardo ka ciyaar kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo masuuliyiintii kale ee la socotay, waxaana salaanta kadib R/Wasaaraha uu kormeeray xarunta taliskla booliiska.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliya, waxa uuna warbixin ka dhageestay taliyaha ciidankaasi Generaal C/xakiin Daahir Saciid Saacid.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa saraakiisha booliiska uu la kulmay kala hadlay sida ay ciidamada booliiska uga qeyb qaadanayaan xasilinta amaanka magaalada Muqdisho, waxa uuna kula dar daramay saraakiisha in ay xoojiyaan waajibaadka loo igmaday.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu horey uso noqaday askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya kana soo shaqeeyay salhiga booliiska degmada Hodan, waxa uuna xusay in booliisku uu yahay ilaaliyaha sharcida iyo dadka.






Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...