Munaasabadda Sanad-guurada 15aad Ee Aas-aaska Bogga Jowhar.com

Date:

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay sanadguurada 15aad ee ka soo wareegatay aasaaska shabakada warbaahinta ee jowhar.com ayaa xalay lagu qabtay hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal warbaahineed,saxafiyiin iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyntii munaasabada ayaa waxaa ka warbixiyay ujeedada loo aasaasay shabakadan Tifaftiraha Guud ee jowhar.com C/casiis Xasan Maxamed,waxana uu sheegay in heerar kala duwan ay soo martay mareegta jowhar.com ayna tahay mid dhexdhexaad ah bulshadana u adeegta.

Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadan ayaa waxa ay qireen in jowhar.com mudadii ay soo jirtey ay muujineyso in ay tahay mid dadka ka shaqeeya ay u dhabar adeygeen muddo dheer dadaal badana ay geliyeen sidii shabakada ay u jiri lahayd.

Mas’uuliyiintii ka hadashay xafladan ayaa waxaa kamid ahaa C/risaaq Xaaji Catoosh, afhayeenka gobolka Banaadir C/fatax Cumar Xalane, guddoomiyaha dallada warbaahinta SIMHA Xasan Cali Geeseey, guddoomiye ku xigeenka Ururka SOMA Maxamed C/wahaab, Xoghayaha guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahin Nuur, agaasimaha Idaacada Shabelle Abukar Shiikh Maxamed, Senatar Dr Cismaan Maxamed Dufle, wasiir ku xigeenka isboortiga Axmed Cumar Islow, wasiir ku xigeenka Dekedaha Cusmaan Daallo, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Jubbaland Aw Libaax, waxayna dhammaantood mas’uuliyiintan ay xuseen in mareegta jowhar.com ay tahay mid tebisa aqbaar run ah.

“Waa markii ugu horeysay ee aan arko website sameysanaya  xaflad ay ku xusaan aasaaskooda, jowhar.com waa shabakadii ugu horeysay ee meel fagaare ah ku soo bandhigta waxqabadkooda.”ayuu yiri Maxamed C/wahaab agaasimaha Radio Risala.

“Mareegta jowhar.com waxaan oran karaa waa tan koowaad ama waxay ka mid tahay websiteyada ugu horeeya ee dalka.”ayuu yiri Xoghayaha ururka NUSOJ Maxamed Ibrahim Macalimu.

“Waxaan ka codsanayaa jowhar.com maadaama magaca ay wadato uu yahay magaca caasimada dowlad goboleedka Hirshabeelle inay garab qabato maamulka Hirshabeelle.”ayuu yiri wasiir ku xigeenka dekedaha

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda jowhar.com in fariimo wacyigelin dhinaca caafimaadka ah ay ku soo kordhiyaan websitka.”ayuu yiri Senatar Dufle.

“Websityada waa kuwii sababay qurbojoogta inay ku soo dhiiradaan dalkooda ayna ka qeybqaataan dib u dhiska iyagoo gaarsiiyay wararka dhabta ah eek a jira dalka.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Inj Yariisow.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa soo xirtey wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Marwo Khadijo Maxamed Diiriye waxayna sheegtay in isha ugu horeysa ee ay wararka ka hesho uu yahay jowhar.com.

“Waxaan ka codsanayaa shabakada in ay kordhiso barnaamijyada dhalinyarada ayna wacyigelin badan ka sameyso sidii dhalinyarada ay ugu kalsoonaan lahaayeen dalkooda.”ayay tiri Khadijo Maxamed Diiriye.

Ugu dambeyn 20-kii bishii May ee sanadkii 2002 ayay aheyd markii la aas aasay shabakadda Jowhar.com, oo ka mid aheyd website-yadii u horeeyay ee la aas aasay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...