R/wasaare Kheyrre oo kulan isla xisaabtan ah la yeeshay xubnaha golaha wasiirrada

Date:

Isla xisaabtanku waa hanan la isku raacsan yahay in uu laf dhabar u yahay qabsoomidda shaqo wanaagsan  isla markaana abuurta dowladda wanaagsan  iyo kalsoonida  dowladda iyo Shacabka.

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Mudane Xasan Cali kheyrre oo  ka duulaya aragtidaasi ayaa kulamo isla xisaabtan oo  fool ka fool ah  waxa uu la  yeeshya  xubnaha golaha wasiirradda si looga dhabeeyo  Barnamijka dowladda ee Nabad iyo nolal.

Mudanr  Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul wasaraha xukumadda federaalka Soomaaliyae ayaa soo gaban gabeyey  maanta wajiga 1aad ee qorshaha uu kula xisaabtamayo wasiirradiisa tasi oo soo billaabatay  Maalintii shalay ahayd,  iyadoo  wasiir kasta  uu usoo gudbiyey qorshe howleedka  wasaraddiisa ee 100 maalin,  taas oo noqon doonta tan wasiir kasta lagula xisabtami doono isla markaana lagu qiimayn doono wax qabadkiisa marka ay dhamaato boqolka Maalin. Sida uu warbaahinta qaranka u sheegay  wasiiru dowlaha  xafiiiska Ra’iisul wasaaraha  Mudane Cabdullahi Xamud.

Qorshaha  Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyrre uu kula xisaabtamayo  xubnaha golahiisa wasiirradda ayaa ah mid ku Cusub hannanka dowadanimada dalkeenna. taas oo meesha ka saaraysa  Musuq maasuq  iyo maamul xumada  oo  haddii ay dhacdo dhaawacaysa hannanka dowladnimo ee dalkeenna, isla markana sare u qaadaysa  kalsoonida iyo  muraalka shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...