Dowladda Kuuriyada Woqooyi oo gantaal tijaabo ah ridday

Date:

Wararka ka imaanaya Koonfur Kuuriya ayaa sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ridday gantaal loo malaynayo in uu yahay nooca ballistic-ga ah.

Gantaalka waxa laga ganay gobol u dhaw xeebta galbeeed ee dalkaa, waxaana sidaa ku soo warantay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Kuuriyada Woqooyi waxay sanadkan samaysay tijaabooyin isku xig xigay oo ay gantaalo ku gantay, arintaasina waxay sii kordhisay xiisadda u dhaxaysa iyada iyo Maraykanka.

Pyongyan ayaa dardar gelisay barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalaha sannadihii u dambeeyey in kasta oo ay soo food saartay cambaarayn caalami ah iyo cuna qabatayn Qaramada midoobay ku soo rogtay.

Hase ahaatee laba gantaal oo la tijaabiyey bishii hore ayaa labadiiba fashilmeen.

Xigasho BBC Somali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Buur-Hakaba oo laga hirgeliyay garoon diyaaradeed

Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, waxaa maanta cagadhigatey Diyaaradaha...

Wasaaradda gaashaandhigga oo soo dhoweysay saraakiil ka socota Ingiriiska

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda gaashaandhigga mudane Cabdifataax Cabdulqaadir...