Shan nin oo lagu soo qabtay isbaaro oo la soo bandhigay

Date:

Xarunta wasaaradda gaashaandhiga ayaa maanta lagu soo bandhigay  shan nin oo  ku hubeysana qoriga AK-47 iyo gaari ay u isticmaalayeen falalka dhaca oo  dadka socotada ee mara waddada dheer ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo deegaanka 50 km, kadib howlgal ciidanka xooga ay ka sameeyeen halkaas.

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeeed janaraal C/laahi Cali Caanood, oo warfidiyeenka kula hadlay goobta raggan lagu soo bandhigay ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay amarkii madaxweynaha ee ahaa in lala dagaalamo ragga caadeystay in jidgooyooyinka dhigtaan waddooyinka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa burcad kasta oo hubeysan ama magac ciidan ha wadato ama magac shacabka ha wadatee in aan loo saamaxeynin in dib dambe shacabka Soomaaliyeed u dhibaateyso,” ayuu yiri abaanduulaha ciidanka xooga dalka.

Abaanduulaha ayaa sidoo kale, sheegay in howlgaladan  ay qeyb ka yihiin amarkii madaxda dalka oo ahaa in ragga isbaarooyinka dhigta loola dagaalamo sida Al-shabaab loola dagaalamo, isagoona xusey in dhowaan sidoo kale 11 nin oo lagu soo qabtay howlgal isbaaro la dagaalan ah ay u gudbiyeen xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Sidoo kale, howlgalo lagula dagaalamayay burcadda dhigata isbaarooyinka ee laga sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe lagu diley afar kamid ah burcaddaas oo hubeysaneyn.

“ Afar casho ka horna  gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan degmada Cadale,waxaan ku dilney afar nin oo burcad ah oo hubeysan oo ay la dagaalamay ciidamadii,”  ayuu markale sheegay abaanduulaha.

Janaraal C/laahi Cali Caanood abaanduulaha ciidanka xooga dalka ayaa sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in howlgalka lagu diley afarta burcadda ah ay sidoo kale goobta ka baxsadeen 12 nin oo kale kuwaas oo hadda ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah.

“ Ciidanka biya-caddo iyo deegaanka Xaaji Cali iyo Ceel baraf in ay nimankaas howdka ku jira geesaha ka maraan, ciidankaas howlgal ayay ku jiraan kuwaasna waa la qaban doonaa insha’alah,” ayuu hadalkiisa ku daray abaanduulaha.

Howlgaladan lagula dagaalamayo jidgooyooyinka dadka musaafurka lagu dhibaateeyo oo ay wadaan ciidanka xooga dalka ayaa imaanaya xilli dhowaan madaxwyenaha jamhuuiryada Soomaaliya uu ku amray taliska ciidanka xooga in ay wax ka qabtaan cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ka soo yeeray oo arintaan ku aadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale