Kulan looga hadlayey xoojinta amniga Gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar ayaa ujeedkiisu  waxa uu ahaay sidii laamaha Amiga Qaranka iyo Ciidanka AMISOM ay u xoojin lahaayeen Amniga Caasimada.

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Sareye Gaas Axmed Jimcaale Geedi, Taliyaha Ciidanka Nabad ilaalinta AMISOM iyo Taliya Qeybta Guud Gobalka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa  Waxaa shir gudoominaaye Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed.

Inta uu kulanka socday  ayaa Duqa Magaalada Muqdisho waxuu  saraakisha uu la kulmay kala hadlay in ay laba laaban Sugida amniga iyo in ay garab siiyan Gudiga golaha Amniga Gobalka Banaadir oo dhawaan la magacaabay si loo sugo Xasiloonida Magaalada Muqdisho maadama ay fooda nagu soo heyso Bisha Barakeysan ee Ramadaanka.

Taliyaha Ciidanka Nabad ilaalinta Amissom ee Soomaaliya Cismaan Nuur Subagle oo kulanka kadib lahadlay Tvga Qaranka waxa uu sheegay in amissom ay u taagan tahay Xasiloonida Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa tilmaamay in saraakisha uu la kulmay ay isku afgarteen sidii gacan adag looga geysan lahaay Amniga Gobalka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho  ayaa dhawaan magacaabay Gudiga golaha Amniga Gobalka Banaadir oo ay ku mideysan yihiin Ciidamada Qalabka sida kuwaas oo door ka qaadan Xoojinta Xasiloonida Caasimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....