Shirweynihii Qaran ee Wada tashiga Isgaarsiinta iyo Tignoolojiyada oo Maanta lasoo gababeeyey.

Date:

Shirweynihii Qaran ee Wada tashiga Isgaarsiinta iyo Tignoolojiyada oo sedaxdii maalin ee ugu dambeysay ka socday Magaaladda Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay waxaan xiritaankiisa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan oo mudadii uu socday ay ka qeyb galeen wasiirada boostada iyo isgaarsiinta ee dowlad goboleedyada,garyaqaanka guud ee Qaranka,shirkadaha bixiya adeegyada internet,ka iyo isgaarsiinta iyo sidoo kale qeybaha tacliinta sare ee dalka  ayaa waxaa ka hadlay wakiilada shirkadaha isgaarsiinta iyo jaamacadaha iyagoo sheegay in ay muhiim tahay waxbarashada dalka ilaa dugsiyada hoose lagu daro barashada isgaarsiinta iyo tignoolojiyada.

Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta ,boostada iyo isgaarsiinta ee dowlad goboleedka Puntland C/fitaax Nuur Ashkir ayaa ugu baaqay shirkadaha isgaarsiinta in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta dowladnimada dalka.

Gar yaqaanaka guud ee Dowladda Dr Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa sheegay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay in wasaaradaha dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada uu kala shaqeeyo xaga sharciga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada,Isgaarsiinta iyo Tignoolojiyada ee Dowladda Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi ayaa aqriyay war murtiyeedkii kasoo baxay shirkan maalmihii uu socday.

Wasiirka Wasaaradda Boostada,Isgaarsiinta iyo Tignoolojiyada ee Dowladda Soomaaliya  Eng Cabdi Canshuur Xasan oo isna ka hadlay munaasabada   ayaa sheegay in marka uu furmo kal fadhiga baarlamaanka ay geyn doonaan sharciga isgaarsiinta dalka lagu maamuli doono.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo u mahad celiyay wasaaradda boostada isgaarsiinta iyo tignoolojiyada iyo ka qeyb galayasha shirkan ayaa sheegay in isgaasriinta ay muhiim u tahay kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka isagoo balan qaaday In Baarlamaanka uu arintaasi ka hadli.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....