Madaxweynaha “Dowladdan waxay ballan qaaday dib u heshiisiin, waxayna ka bilaabaysaa Afgooye.”

Date:

Muqdisho, 8da May, 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la kulmay maamulka iyo waxgaradka degmadaas.

Madaxweynaha ayaa dhageystay tabashooyinkii iyo talooyinkii ay usoo jeediyeen odayaasha dhaqanka, culumada, haweenka iyo dhallinyarada degmada Afgooye, waxa uuna sheegay in ay dowladda si degdeg ah wax uga qabaneyso waxyaabaha ay tabanayaan.

“Marka aan hadalkiinna dhageystay waxaa iisoo baxday in saddex arrimood ay magaaladan u baahantahay, waana dib u heshiisiin, dib u dhis iyo dib u xoreyn.”

“Saddexdaas waxaa aasaas u ah caddaaladda. Dowladdan waxay ballan qaaday dib u heshiisiin, waxayna ka bilaabaysaa Degmada Afgooye haddii Alle idmo.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa, sidoo kale, sheegay in dadka ku labisan dharka ciidanka ee isbaarooyinka taagan lagu qaban doono gacan bir ah, waxa uuna intaas raaciyay in askarigii lagu helo isaga oo shacab dhibaateynaayo in la horgeyn doono maxkamadda ciidamada.

“Laga bilaabo maanta qofkii lagu arko isaga oo isbaaro taagan naga mid ma aha. Haddii aad aragtaan qof lacag idinka aruursanaya waan la wada dagaallameynaa ee noo soo sheega. Ma jiri doono qof dhar ciidan wata oo isbaaro dad ku dhici kara. Ciidamadeenna annaga ayaa xuquuqdooda iyo mushaarkooda inaan bixinno diyaar u ah.”

Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay wiilasha iyo gabdhaha ka tirsan ciidamada qalabka sida ee ku jira safafka hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah, isaga oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Ciidamada qalabka sida waxay kusoo shaqeeyeen mushaar la’aan iyo daryeel la’aan haysata naftooda iyo tan qoysaskooda. Iyada oo ay waxyaabahaasi jiraan ayay haddana hortaagnaayeen, walina hortaaganyihiin qoladan inkaarta qaba (Al Shabaab).”

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay degamada Afgooye waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Axmed, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda degaannadaas iyo Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...