Wasiirka Warfaafinta oo Tababar u soo xiray Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta

Date:

32-ka mid ah Howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ayaa ka faa’iideystay Tababarkaan oo socday mudo Shan maalmood ah oo ay bixinaysay hay’adda Vikes ee wadanka Finland.

Macalimiinta bixinayay Tababarkaan oo u dhashay Waddanka Finland ayaa sheegay Gaba gabadii siminaarkaan in cashiro muhiim ah lagu bartay sidoo kalana ay ka faa’iideesteen dadkii qaatay.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/raxiin Ciise Caddow iyo Agaasimaha Tvga Qaranka Mudane Liibaan Cabdi Cali oo ka hadlay Tababarkaan ayaa sheegay inuu muhiim u ahaa Warbaahinta Qaranka ayaga oo u mahadceliyay Macalimiinta waqtigooda galiyay inay Aqoon kororsi u sameeyaan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Mudane C/rixmaan Sheekh Yuusuf Cadaala ayaa kula dar daarmay Howlwadeennada Tababarka qaatay inay dhaqan galiyaan wixii ay barteen.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa asna gaba gabadii sheegay Wasaaradda ay abaal wayn kaga hayso Hay’adda Vikes dadaalka ay u samaynayso hormarinta shaqaalaha Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...