Madaxda Sare ee Dalka oo ka qeyb galay Xaflad Xiritaanka kalfadhiga Kowaad ee Aqalka Sare.

Date:

Madaxda Sare ee dalka ayaa waxa ay xalay ka qeyb galeen xaflad lagu soo xirayey Kalfadhigii Kowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxda xaflada Ka qeyb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Ra’isul  Wasaaraha Dalka , Gudoomiyaha Golaha Shacabka  , Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Madax kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxa ay si wadajir ah uga hadleen  Muhiimada uu lahaa kafadhigii baarlamaanka ee la soo xiray iyagoo sidoo kale ka hadlay howlaha horyaal baarlamaanka Soomaaliya iyo shaqada adag ee laga sugaayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...