Wasiir Cabdi Xoosh โ€œWaxaan hubin doonnaa in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay xuquuq lamid ah mida muwaadinka caadiga ah ay ku leeyihiin Dastuurkaโ€

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa shir wadatashi ah la yeelatay ururada dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo ku saabsanaa sidii loo dhageeysan lahaa taladooda ku qotonta dhameeystirka Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ku dhiiragelinayso dadka naafada ah in ay ka qaybgalaan Ololaha Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.

โ€œWaxaa tihiin muwaadiniin xaq u leh waxa muwaadiniinta kale xaq u leeyihiin, waxa aan hubin doonnaa in Dastuurka uu noqdo mid idiin daryeela islamarkaana xuquuqihiina tilmaamaโ€ ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Dhanka kale, ka soo qaybgalayaasha ayaa Wasaaradda ugu mahadceliyay sida ay ugu dhiiratay in ay kulankan la qaataan oo ay taladooda dhageystaan, waxa ayna ku dhiirageliyeen Wasiirka iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda in ay qareen u noqdaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Kadib markuu iclaamiyaya Wasiir Avv Cabdi Xoosh Olole loogu magacdaray Sheeko Qarameed ayeey Wasaaradda bilawday qabashada kulama wadatashi ah oo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada la la sameeynayo.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ballan qaaday in dhamaan Maamul Goboleedyada dalka la gaarsiin doono kulamadan wadatashiga ah si dadka ay ugu dhiiradaan in taladooda ay uga qaybqaatan ololaha hanaanka dib u eegista Dastuurka oo Wasaaraddu ay ka goโ€™antahay in uu noqdo mid daah-furan.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ฐ๐ž๐๐ž๐ง ๐ฎ ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ฒ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š XFS ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...