Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin oo lagu aasay Muqdisho

Date:

Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin Xasan oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu aasay  qabuuraha Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay aaskiisa Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo aqalka sare ee dowladda, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose,  saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Senator Cabdikaafi Macalin Xasan oo la dhashay Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin ayaa si kooban uga sheekeeyay taariikhda Ugaaska, waxaana uu Eebbe ugu baryay inuu ka waraabiyo naxariista Janno.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najaaxi iyo qaar ka mid ah salaadiinta dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ehelada iyo dhaqanka Soomaaliyeed waxaa ay uga tacsiyadeeyeen geerida Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin Xasan.

Ugaas Maxamed Macalin Xasan ayaa ka mid ahaa dhaqanka sida weyn Gobollada Koofureed ee Dalka looga yaqiinay, waxaana uu u geeriyooday xanuun in mudda ah hayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...