Unicef oo ka deerisay xaalada nolaleed ee Caruurta Soomaalia

Date:

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan  arrimaha Carruurta ee UNICEF ayaa magaalada Geneva ka soo saartay warbxin ay kaga hadlayso xaaladda nolaleed ee iminka ay ku sugan yihiin Caruurta Soomaaliya.

Waxayna hay’ddu wrbxinteeda ku sheegtay in Caruur tiradoodu garayso  1.4 Milyan ay iminka la ildarn yihiin, Gaajo iyo abaar saamaysay sanadkan qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya,waxayna intaa raacisay in ay dhici karto dhibaatadaasi inay sii kororto 50% isla sanadkan gudihiisa.

Afhayeenka UNICEF oo saxaafadda la hadlayay ayaa intaa raaciyay  in dhibaatada cunta yarida haysata Caruurta Soomaaliyeed ay u wehiliso cudurka dilaaga ee Cholera oo la sheegy inuu ku faafay degaano badan oo dalka Soomaaliya, ayna iminka la ildaran yihiin sida Afhayeenku sheegay 275 kun oo Caruur ah.

Afhayeenku wuxuu kaloo intaa raaciyay in Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan  arrimaha Carruurta ee UNICEF, ay sanadkii tagay xalisay dhibaatada cunta yarida haysata Caruurta Soomaaliya    88% Sanadkii tagay, balse bilawgii sanadkan ay sii korartay dhibatadaasi.

WD/Mukhtaar

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...