Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Oo U Furay Tababar Wasiirada Hirshabeelle.

Date:

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Tababar Wasiirada Dowladda Hirshabeele ay ka qeyb galayaan kaasi oo diirada lagu saarayo horumarinta qorshayaasha wasaaradaha iyo qaab dhismoodkooda, waxaana soo qaban qaabisay Hey’adaha UNDP, Iyo UNSOM.

 

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ka dalbaday Hey’aha Qaramada Midoobay inay xafiisyadooda ka furtaan magaalada Jawhar oo ah xarunta dawlad goboleedka, isagoo xusay taasi macnaheedu in uusan eheyn hala xiro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Beledweyne isaga oo furan ayay Jowhar ka furan karaan waxaana uu u balanqaaday amni buuxa in ay ku shaqeeyaan Magaalada Jowhar.

 

“Waxaan ka fiicanahay Maamul goboleedyo aanan xaruumahoodu ku shaqeyn oo magaalooyin kale ku shaqeeya laakiin anaga waxaan ku faaneynaa in aan ku shaqeyno xarunta Dowladda Hirshabeele waxa aan u muuqanaa kuwa xiisa ku haya Muqdisho oo inta badan yimaada anagoo amni ahaan ka wanaagsan halkan, hadana taasi waxa nagu qasbaya Hey’adihii shaqada nagala dhexeysay ayaa Muqdisho jooga, marka si wada shaqeyntu ay u fududaato waxaa qasab ah in ay xafiisyadoo ka furtaan Hey’adaha Qaramada Midoobay Jowhar” ayuu Yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

 

Madaxweyne Cosoble oo sii hadlay ayaa kaga mahadceliyay hey’adihii Tababarka soo qaban qaabiyay, waxaana uu sheegay isu imaatinada noocaan ah in uu wax ka tari doono horumarinta iyo sal u dhigida Hey’adaha Dowladda Hirshabeelle.

 

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo sii hadlay ayaa ka dalbaday hey’adaha UN-ka in ay ka qeyb qaataan horumarinta Maamulkani ayna u diyaarsanyihiin qorshayaasha ay ku doonayaan in ay ugu shaqeeyaan Dadka ay matalaan lana xoojiyo dhismaha heykalkii dowladnimo.

 

“Shaqaalaha UN-ka ay qaataan iyo qandaraasyada ay bixiyaan ee laga fulinayo Hirshabeelle ma ahan dad aan u dhalan Hrshabeelle in ay u qaataan iyadoo hirshabeelle ay leedahay aqoonyahano iyo farsamayaqaano hanan kara shaqooyinkaasi, intii looga faa’ideyn lahaa dad kale oo aan u dhalan deegaanka kana soo jeedin, marka muhiimada koowaad waa in la siiyaa dadka deegaanka ee baaga muudada ah aqoontana leh”Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha Hirshabeelle.

 

Atul Shekhar oo ah u qaabilsanaha Hay’adda UNDP mashruuca tayeynta hey’adaha  dawlad goboleedyada ayaa halkaasi ka sheegay in Qaramada Midoobay Hirdhabeelle ka taageerayso dhinacyo badan oo la xiriira horumarinta iyo tayeynta hey’adaha kale duwan ee maamulka sida dowlad wanaaga iyo dhisida kaabayaasha dhaqaalaha.

 

Hirshabeelle ayaa ah dawlad goboleedkii ugu dambeeyay ee dhisma, waxaana maamulku wadaa dadaalo dhidibadda loogu aasayo hay’daha maamulkan curdunka ah iyo sidii loo tayeynlahaa shaqo abuurna loo sameyn lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...