R/wasaare Kheyre “Xukuumaddu waxay ahmiyada koowaad siisay Gurmadka Abaaraha”

Date:

Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa  maanta ka qayb galay kulan wacyi galin iyo  dhaqaale loogu abuurinayey  dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyey Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Qaranka ayaa waxa goob joog ka ahaa  xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya Culumo , iyo qaybaha kale duwan ee bulshada , kuwaa oo diyaar u ahaa in  in ay ka qayb qataan  Gurmadka Abaaraha Qaranka .

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay Ahmiyadda koowaad siisay u gurmashada dadka Soomaaliyeed oo Abuuruhu ay saameeyeen kuwaasi oo ku sugan Guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa xusay in Qasnada dowladda ay ku jirto lacag gaaraysa ku dhowaad 1-Milyan oo dollar oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen, wuxuuna xusay R/wasaaruhu in maalinta Sabtida ah ee nagu soo aaday lacagtaasi lagu wareejin doono Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...