Mas’uuliyiinta Jubbaland iyo Hayadda Kaah oo Kismaayo Ka bilaabay Mashruuc lagu wacyigelinayo Bulshada

Date:

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka qayb galeen mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland, laguna daah furayay  Mashruuca wacyi gelinta Bulshada  ayaa lagu qabtay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Jubbaland.

Munaasibadda lagu daah furayay mashruucan waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland, Maamulka Gaobolka iyo Kan Degmada, Ururrada Dhallinyarada, Haweenka, Culimaa’udiinka iyo  Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland Cabdiraxmaan maxamed Xuseen oo furitaankii Munaasibadda ka hadlay ayaa mahadcelin u soo jeediyay Hay’adda Kaah oo fulinaysa Mashruuca wacyi galinta Bulshada magaalada Kismaayo, isagoo sidoo kale Bulshada Kismaayo ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadaan la soo hordhigay.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha ee Jubbaland waxaa uu xusay in shacabka degmada looga fadhiyo in waxyaabaha ay mashruucan wacyigelinta ka faa’iideystaan looga fadhiyo inay gaarsiiyaan bulshada aan nasiibka u helin.

Mas’uuliyiinta Heyadda Kaah ayaa munaasabadda dhexdeeda ka  balan qaaday inay mashruuca wacyi galinta wada gaarsiin doonaan dhamaan bulshada ku nool magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...