Golaha Wasiirrada Jubbaland oo ka shiray Ammaanka

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka Khamiis laha ah ee Golaha Xukuumada.

Kulanka maanta waxaa kale oo ka qayb galay labada Madaxweyne ku xigeen iyo Xubnaha Golaha ee aan hawlaha shaqo ku maqnayn.

Si gaar ah waxaa kulanka maanta diirada loogu saaray Arimaha amaanka gaar ahaan hawlgalada Hay’adaha amaanku ay maalmahan ka wadeen Magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu fashiliyay isku dayo ay nabad diidku ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Bulshada.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu rajaynayo in maalmahan hawlgaladaas ay sii socdaan waxaana uu Bulshada ku booriyay in ay Ciidamada la shaqeeyaan.

Sidoo kale kulanka inta uu socday waxaa lagaga hadlay xaalada abaaraha ee Gobolka oo hada kasoo raynaysa gaar ahaan qaybo katirsan Jubada Hoose oo roobab lagu diirsaday ay ka da’een.

Golahu wuxuu bogaadiyay gargaarka Walaalaha Imaaradku ay soo gaarsiiyeen dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Kismaayo waxaana uu ugu baaqayaa Bulshada in ay isku Naxariistaan oo walaalahooda dhibaataysan ay u gurmadaan.

Arimaha Dhulka Xubno katirsan Golaha Wasiirada ayaa soo jeediyay in Dowladu ay wax ka qabato Xaalada Xaafada Dalxiiska halkaas oo ah goob isku raran ah oo dad aad u farabadan oo Barakacayaal ah ay dagan yihiin isla markana dadkaas loo sameeyo dib u dajin Xaafadaha qaar ee Magaalada ah si mashquulka halkaas ka jira uu u yaraado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...