Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, xaaladda shuban-biyoodka iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka

Date:

Muqdisho, 27 Abriil 2017—–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Maareynta Maaliyada, Abaaraha, xaalada shuban-biyoodka, Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo arrimo kale.

Warbixinta amniga ayaa lagu xusay in qorsheyaasha howlgalka ciidamada uu meel wanaagsan marayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Guddoonka iyo Guddiyada Difaaca & Amniga ee Baarlamaanka oo uu xalay kulan xog-wareysi ah la qaatay, iyadoo baarlamaanku uu si furfuran ula xisaabtamay Xukuumada Qorshaha Amniga Qaranka. Falanqeyn dheer ka dib, waxaa la isla gartay in macluumaadka la wada wadaagay labada dhinac ay muhiim ahaayeen, laguna ballamay in waxii tallooyin ah la wada wadaago.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka warbixisay xaalada Maamulka & Maareynta Maaliyada iyo qorshaha mideynta dakhliyada hay’adaha kala duwan oo dhammaan lagu ballamay in khasnada dowladda lagu soo shubo. Wasiiru Dowlaha Maaliyada ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay siiyaan raashinka ciidanka, mushaarka ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ah.

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay xaalada gurmadka gargaarka oo ay sheegtay in iskudubaridka iyo xiriirka uu si fiican u socdo. Wasiirada ayaa sheegtay inay qorsheynayaan bisha Ramadaan inay gargaar gaarsiiyaan qoysas gaaraya 100,000.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ka warbixisay xaalada shuban-biyoodka iyo Daacuunka oo ay sheegtay in dad gaaraya 31,764 ay cudaradan la daalaadhacayaan iyadoo xarumo ku yaalla 50 degmo lagu dabiibayo. Illaa iyo hadda waxaa la soo sheegay in 618 qof ay u dhinteen cuduradan, iyadoo ay socoto dadaal tallaal ah oo 450,000 oo qof la tallaalay.

Wasiirka Qorsheynta ayaa ka warbixiyey dhaqangelinta barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka oo uu sheegay muhiimada dhammaan hay’adaha dowladda inay qorshahooda ku saleeyaan Qorshahan Horumarinta Qaranka.

Hay’adaha Caalamka iyo Dowladaha taageera Soomaaliya hadda ka dib waa in kaalmadooda ay ku soo saleeyaan Qorshahan iyadoo Dowladda Federaalku ay saxiixi doonto dhammaan kaalmada caalamiga ah ee Soomaaliya.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...