Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Date:

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo ka Jawaabidda Saamaynta El-Niño ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay u-diyaargarowga fatahaadaha iyo saameynta laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka El-Niño, iyadoo la isla eegay qorshayaasha ka-hortagga iyo yareynta khataraha fatahaadaha, ilaalinta nafta iyo hantida bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka degdegga ah.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo diyaar-garowga, isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo kuwa samafalka iyo in la diyaariyo agabka iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Qurba-joogta Soomaalida oo si wayn uga soo dhex muuqanaysa siyaasadaha Caalamka

Soomaalidii hore ee ku nooleed qurbaha waxay diirada saari...