Guddoomiyaha gobolka Mudug oo kormeer ku tegay xabsiga Gaalkacyo

Date:

Kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda xaaladda ay ku nool yihiin maxaabiista ku xiran xabsiga iyo Saldhiga ciidanka Booliska Degmada Gaalkacyo ee Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo sida ay u shaqeeyaan ciidanka booliska ayaa waxaa mas’uuliyiin ka tirsan kuwa Galmudug ay maanta ku tageen xabsiga iyo saldhiga magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo ay ku xiran yihiinn maxaabiis isugu jira kuwa xukuman iyo eedaysanayaal maxkamad sugayaal ah.

Mas’uuliyiinta ayaa intii ay kormeerkooda kuguda jireen waxay mid mid u booqdeen qeybaha kala duwan ee xabsiga, iyagoo warbixinno ku aadan xaaladda maxaabiista ka qaadanayay saraakiisha ciidanka booliska Galmudug ee ku wehliyay kormerkooda.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdirashiid Xaaashi Cartan ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda uu la xiriiro sidii ay ku ogaan lahaayeen xaaladda maxaa biista ku jira  xabsiga,

“Ujeedka kormeerkeenu saaka waxa uuu ahaa mid aan rabno inaan ku ogaano xaaladda Amni ee Gobalka, gaar ahaan saldhiga iyo siduu u shaqeeynayo iyo xaaladda ay ku nool yihiin maxaabiista ku jirta xabsiga, waan aragnaa in saldhigu si fiican u shaqeynayo, laakiin maxaabiista hadda ku jirta tirada guud waa labaatan maxbuus oo isugu jira kuwa xukuman iyo kuwo xukun sugayaal ah, kuwaasi oo geystay ama ku eedeeysan dambiyo kala duwan, xaalad ba’anna way jirtaa waqtigoo kulul iyo meesha ay ku xiran yihiin oo aad u liita” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka oo hadalkiisa ku daray “Garaam ku filan ma heystaan, waxaa kaloo jira caafimaad darro, waxaas oo dhan waxaa ugu wacan dhaqaale la’aanta dalka ka jirta, waxaan ugu baaqeynaa maadaama ciidanka boolisku ay si toos ah u hoostagaan taliska booliska Federaalka Soomaaliyeed in laga caawiyo dhibaatooyinka jira”.

Kormeerkaan ayaa qeyb ka ah kormeero muddooyinkii u dambeeyay ay ku tageen mas’uuliyiintaan Degmada Hobyo iyo deegaanada hoostaga, kaas oo ay ugu kuur galayeen xaaladaha Ammaanka iyo dhibaatooyinka xagga adeegyada asaaska u ah nolasha bulshada ee ka jirta guud ahaan deegaanada iyo Degmooyinka Gobalka Mudug.

Cabdirisaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...