Soomaaliya iyo Turkiya oo Kala Saxiixday Heshiisyo Dhanka Horumarinta iyo Dhaqanka ah

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkan Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada ee Ankara, isaga oo salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka dalkan , waxaana loo riday 21 madfac.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen oo ay kamid ahaayeen amniga, dhaqaalaha, horumarinta, maalgelinta waxbarshada, is weydaarsiga hiddaha iyo dhaqanka iyo shirka Soomaaliya ee London oo ay dowladda Turkiya kasoo qeybgali doonto.

Madaxweyne Erdogan ayaa uga mahaceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Shacabka Soomaaliyeed taageeradii ay u muujiyeen kadib afgambigii dhicisoobay. Waxaa uu intaas ku daray in dowladda Turkiya ay mar walba taageero walaaltinimo la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiiisa uga mahadceliyay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiya soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa iyo taageerada joogtada ah ee ay dowladda Turkiya siiso Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya ayaa kala saxiixday heshiisyo is afgarad ah oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo isweydaarsiga hiddaha iyo dhaqanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa dhankeeda u saxiixay heshiiyada Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, halka Jamhuuriyadda Turkiya uu u saxiixay Wasiirka Horumarinta Mudane Lutfi Elvan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS)...

Hay’adda SoDMA oo kulan xog-wareysi ah ku qabatay Laaacaanood

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...