Wakaaladda Wararka ee Dalka Turkiga Anadol ayaa qortay in magaalada Ankara Arbacadii shaley ay ku kulmeyn Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Recep Tayyip Erdogan.
Labada Madaxweyne ayaa la sheegay in ay ka wada hadleyn sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo adkeynta Ammaanka.
Shir jaraaโid oo ay wadajir u qabteyn Labada Madaxweyne ayaa waxa ay uga hadleen xoojin xiriirka Labada dal iyo sidii Turkiga uu u si wadi lahaa taageerada uu siinayo Soomaaliya.
โReer galbeedku waxa ay iska indha tireyn taageerada 14-milyan oo qof oo wajahaya macluusha Afrikaโ ayuu yiri Recep Tayyip Erdogan.
Turkiga ayaa sheegay in uu sii wadi doono taageerada uu la garab taagan yahay dadka saboolka ah ee Afrika jooga.
โWaa in la badbaadiyo dadka la daalaa dhacaya saboolka, ugu yaraan 14-milyan qof oo u badan Dumar iyo Carrruur ayaa hadda abaar ay ku heesataa Afrika, badi Wadamada horumaray ee reer Galbeedka waa ay ka gaabiyeen in ay caawiyaan dadkaasโayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu diyaarinayo sidii uu caawin lahaa dadka u baahan gargaarka.
โNasiib darro ma ahan in dadkaas aan indhaha ka laabano ee u baahan gargaarka, waa sii wadi doonaa taageerada aan siineynoโ ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inย caalamka aysan ka hadli karin nabad iyo xasillooni haddii carruurta ay u dhimanayaan gaajo.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar tan iyo markii uu booqday sannadkii 2011-kii, isagoo tusaalle fiican u soo qaatayย doorashadii Madaxweynaha ee February dhacday.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ammaanay dedaallada Turkiga uu dib ugu dhisayo Soomaaliya.
โTurkiga ayaa sameeyay tallaabo muhiim ah oo ku aadan dib u dhiska Soomaaliya kaddib muddo dheer oo ay la haayeen xiriir, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa ku daray โSoomaaliya waa sii wadi doontaa raadinta taageerada xiriirkiinaโ
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay kulanka uu la yeeshay dhiggiisa Turkiga mid miro dhal ah.
โXilligan waxa aan isla gaarnay heshiisyo dhowr ah, sida barnaamijyada lagu xoojinayo horumarinta iyo is dhaafsiga xagga dhaqanka loo horumarin lahaa,โ ayuu u sheegay Madaxweynaha saxaafadda.