Guddi Saraakiil ah oo tababari doono ciidan boolis oo uu yeesho Maamulka Hirshabeelle

Date:

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowladd goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa tababar magaalada Muqdisho ugu soo xiray saraakiil sar sare oo booliis ah oo ka shaqeyn doonaa dhisidda iyo tababarida Ciidan Boliis ah oo ay yeelato Hirshabeelle.

Saraakiishani iyo qubaro dhinaca booliska ah ayaa ka faa’ideystay tababarkasi oo soconayay seddexdii cisho ee la soo dhaafay, waxaana ka qey qaatay tababarkaasi oo hirgelintiisa lahaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo AMISOM.

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa qorsheyneya dhisida ciidan boolis oo u gaar ah oo awood u yeesha hanashada amniga deegaanada Hirshabeelle, waxaana la diyaarinayaa qorista iyo tababarida ciidamadaasi oo ka shaqeyn doona u qidmeynta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo tababarkaasi soo xiray ayaa u mahadceliyay AMISOM iyo Xafiiska Qarmada Midoobay ee Soomaaliyay sida ay u fuliyeen tababarkani oo ah mid dhaxal gal ah oo ay ka faa’ideysteen guddigan ka shaqeyn doona hirgelinta iyo dhisida Ciidan Boolis ah oo ay yeelato Hirshabeelle.

Dhowaan ayaa la filayaa in Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble uu tababbar u furo Dufcadii ugu horeysay oo Ciidamo boolis ah oo uu yeesho maamulka.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...