Wasiirka wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta oo xilka la wareegay

Date:

Xafladan uu xilka kula wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay masโ€™uuliyiin uu ka mid yahay raโ€™iisul wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka cusub ee wasaaradda, wasiirkii hore iyo masโ€™uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Xildhibaan Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) oo ka hadlay xafladda ayaa ku dheeraaday ย ka hadalak wax qabadka mudadii uu xafiiska joogay isaga iyo xubnihii ย kale, waxaana uu u rajeeyay madaxda cusub in horumar ay ka sameyn doonaan howlaha wasaaradda, shaqaalaha ayuuna ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xildhibaan Iimaan Cabdulaahi Cali, oo xilka wasaaradda la wareegay ayaa sheegay in uu la imaan doono waxqabad isaga oo kaashanaya madaxda kale ee wasaaradda iyo shaqaalaha.

Ra,iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Axmed Guuleed (Khadar) ย oo ka geba gabadii ka hadlay xafladda ayaa waxaa uu u mahad celiyay masโ€™uuliyiintii hore ee wasaaradda howshii ay ka qabteen, waxaana uu hogaanka cusub kula dar daarmay in ay ka soo dhalaalaan howshan loo igmaday.

ย ย ย ย ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale