Mudanayaasha Aqalka sare oo ka dooday xeer hoosaadka ay ku shaqeynayaan

Date:

Xubnaha aqalka sare ayaa yeeshay kalfadhigii 1aad kulankiisa 17aad waxaana soo xaadiray 31 mudane ajanduhu waxa uu ahaa akhrinta ka doodida iyo ansixinta xeer hoosaadka, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Mudanayaasha aqalka sare ayaa fikirkooda ka dhiibtay qodobada laga dooday iyo kuwa wax ka badalka u baahan.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tilmaamay in mudanayaasha Aqalka sare ay si fiican uga doodeen qodobada ku qoran xeer hoosaadka ay ku shaqeynayaan.

“Mudanayaal shaqo wanaagsan ayaad qabateen waxaana la doonayaa in aan dhamayno xeer hoosaadka inta aan fasaxa gelin, waana ku mahadsantihiin sida aad uga dhiibateen aaraahdiina ku aadan qodobada laga doodayay” ayuu yiri Mudane Cabdi Xaashi.

Maalinimada Sabtida ayay mudanayaasha aqalka sare ku balameen in la sii amba qaado Aqrinta, ka doodidda iyo ansixinta xeer hoosaadka aqalka sare uu ku shaqaynayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...