Taliyaha Sirdoonka, Taliyaha Xoogga iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo goor dhow la magcaabay

Date:

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay magacaabista Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulan xasaasi ah oo u socda Golaha Wasiirada ayaa lagu horkeenay soo jeedin ku aadan magacaabis xilal, iyadoo kulanka laga akhriyay warbixin.

Taliyaha Nabadsugida ayaa loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay xilkan u soo qabtay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada.

Waxaa kaloo la magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Sidoo kale waxaa iyana la sheegayaa in xilka Taliyaha ciidanka Booliska loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid.

Kulanka Golaha Wasiirada oo wali socda ayaa ah kulankii labaad oo lagu magacaabo illaa afar Taliye,  iyo Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...