Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo la kulmay taliska booliiska Abu Dhabi

Date:

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay  Taliska Ciidanka Boliiska Abu Dhabi.

Jeneraal Xaamud ayaa muddadii uu joogay Magaalada Abu Dhabi oo ahayn 28-31 Maarso waxaa isaga iyo wafdigiisa si diiran loogu soo dhoweeyey halkaasi.

Taliska Ciidanka Boliiska Abu Dhabi S/Gaas. Maktoum Al Shariifi, Abbaanduulaha Ciidanka Boliiska, oo kulan la qaatay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka laba dal, gaar ahaan labada Ciidan, waxaana shirarkaasi goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Danjire Cabdulqaadir Shiikhey Al Xaatimi iyo wafdigii Taliyaha la socday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Jamaal Maxamed...

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...