Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo la kulmay taliska booliiska Abu Dhabi

Date:

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay  Taliska Ciidanka Boliiska Abu Dhabi.

Jeneraal Xaamud ayaa muddadii uu joogay Magaalada Abu Dhabi oo ahayn 28-31 Maarso waxaa isaga iyo wafdigiisa si diiran loogu soo dhoweeyey halkaasi.

Taliska Ciidanka Boliiska Abu Dhabi S/Gaas. Maktoum Al Shariifi, Abbaanduulaha Ciidanka Boliiska, oo kulan la qaatay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka laba dal, gaar ahaan labada Ciidan, waxaana shirarkaasi goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Danjire Cabdulqaadir Shiikhey Al Xaatimi iyo wafdigii Taliyaha la socday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...