R/wasaare ku xigeenka Turkiga oo deeq raashin ah ku wareejiyay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha

Date:

R/wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Vaysi Kaynak oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa deeq raashin oo lagu talagalay dadka ku tabaaloobay abaaraha ku wareejiyay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha.

Deeqdan  oo saarneyd 6 gaari oo nooca xamuulka ah waxaa dowladda Turkiga ugu tala gashay 12-kun oo qoys inay ku noolaadaan muddo bil ah.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah guddiga qaranka ee gurmadka abaaraha ayaa u mahad celiyay Turkiga waxa uuna sheegay in dowladda Turkiga ay wax badan oo dhinaca bini’aadamada u qabteen ummadda Soomaaliyeed.

“Markuu uu yimid madaxweynaha Turkiga Erdugan iyo qoyskiisa wax badan ayay Soomaaliya u qabteen doorashooyinka Turkiga ee soo socdana waan u ducaynaynaaa” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Ra,iisal wasaare ku xigeenka dowlada Turkiga   oo isaguna ka hadlay  goobta deeqda uu ku wareejinayay ayaa sheegay in mar walba ay garabtaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Baaqii ra,iisal wasaaraha Turkiga ee ahaa in Soomaaliya dhinaca gar gaarka garab laga siiyo ayaan fulinaynaa walaalaheena Soomaaliyed waan garab taaganahay mar walba” sidaasi waxaa yiri R/wasaare ku xigeenka Turkiga.

Ra,iisal wasaare ku xigeenka  Soomaaliya Eng, Mahdi Axmed  Guuled  oo halkaasi ka hadlay ayaa  sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba  aysan  iloobi doonin waxa ay u qabatay dowladda Turkiga iyo shacabkeeda.

Wafdigii uu hoggaaminayay Ra,iisal wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga  ayaa ka duulay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...