Taliska boliiska oo la wareegay amniga iyo xaaladda caafimaad ee wariye Hanad Cali Guuleed

Date:

Taliska ciidanka boliiska ayaa maanta la wareegay amniga iyo xaaladda caafimaad ee wariye Hanad Cali Guuleed.

Hanad Cali Guuleed oo ka mid ah wariyaasha ka howlgalo mid ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa  1-da bisha Abriil  kooxo hubeysan kala baxeen gurigiisa oo kuyaala deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho.

Kadib markii ay arrintaasi soo gaartay laamaha amniga ciidanka boliiska dalka waxaa la sameeyay baadi goob ku aaddan sidii loo heli lahaa wariyaha iyo kooxdii afduubatay.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada dagmada Afgooye ayaa sheegay in wariyaha uu ka fakaday kooxdii afduubatay isla markaana baadi doon ay sameeyeen ciidanka boliiska dagmada Afgooye  ka soo heleen meel dagmada Afgoye u jirta Shan kiilo mitir.

Ciidanka ayaa gacanta kusoo dhigay Hanad Cali Guuleed oo aad loo jirdilay  isla markaana waxaa wariyaha loo soo dhaadhiciyay xarunta Kummanda boluusiyo halkaasoo ay ku sugnaayrrn taliyaha howlaha boliiska iyo saraakiil kale.

Guddoomiyaha gobolka Shabelaha hoose iyo saraakiil boliis ah ayaa ku wareejiyay wariyaha Sareeyo guuto  Axmed Xasan Maalin oo ah taliayaha howlaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Maalin ayaa saxaafadda kula hadlay xarunta Kummaanda boluusiya isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad iyo amnigiisaba uu la wareegay ciidanka booliiska Soomaaliyeed , isagoona taliyaha durba u qaaday cisbitaal, maaddaama wariyaha jirdil xooggan ka muuqatay uusana aheen qof hadlaya, Maalin ayaa intaa ku duray in marka la baxnaaniyo xaaladda  wariyaha ay baarayaan sababahii ka danbeysay falkaan,

Wariyayaasha ku sugnaa goobta ciidanka boliiska wariyahan kula wareegayeen ayaa ugu mahadceliyay boliiska dalka howsha wanaagsan oo ay qabteen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...