Raโ€™iisul Wasaare Kheyre โ€œWaxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahayโ€

Date:

Muqdisho, April 1, 2017โ€”โ€”Raโ€™iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasoo xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Maxamed Aadan Fargeeti.

Raโ€™iisal Wasaaraha ayaa munaasabadan ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxdii hore ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna ammaanay dadaalkoodii iyo heeka ay soo gaarsiiyeen Wasaaradda Maaliyadda oo suurtageliyay in dhismaheedii ay dib ugu shaqo bilowdo burburkii kadib.

Sidoo kale, Raโ€™iisal Wasaaraha ayaa dardaaran adag u jeediyay Wasiirka cusub Dr. Beyle iyo kuxigeenadiisa, waxa uuna kula dardaarmay inay ka fogaadaan nooc kasta oo musuq maasuq la xiriira, isaga oo xusay in nidaam cusub oo isla xisaabtan uu bilowday, loona baahan yahay in laga dhabeeyo.

โ€œWaxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay, shaqaalaha Wasaaraddana waxaan ka codsanayaa inay ku garabsiiyaan madaxda cusub sidii ay u dhaqangelin lahaayeen nidaamkan cusub ee isla xisaabtanka dhabta ahโ€ ayuu yiri Raโ€™iisal Wasaare Kheyre.

โ€œMa aqbali doono aniga iyo Madaxweynahaba in la qiymaameeyo shillin ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waana ku jihaadeynaa, qof kasta oo naga mid ahna waa inuu ku jihaado sidii loo cirib tiri lahaa musuq maasuqa dalkan la harayโ€ ayuu si adag u yiri mar kale.

โ€œMeel uu musuq ka jiro Amni kama jiro, meel uu musuq ka jiro horumar kama jiro, waxaana la idiinkaga baahan yahay in hogaanka Wasaaraddu uu Astaan u noqdo aaminaad iyo illaalinta hantida shacabkaโ€.

Raโ€™iisal Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in la illaaliyo ammaanada shacabka, si buu yiri loo helo kalsoonida shacabka iyo beesha caalamkaba.

โ€œWaa ceeb inaan bixin weyno Mushaaraadka ciidamadeena iyo shaqaalaheena, waana in qof kasta oo shaqaale dowladeed ah uu helaa xaquuqdiisa, qof kasta oo dowladda u shaqeeyana waa in dowladdu ka heshaa wax qabad, howlkarnimo iyo daacadnimo, si dalku horumar ugu talaabsadoโ€ ayuu yiri ugu dambeyn Raโ€™iisal Wasaare Kheyre oo ka hadlayay munaasabada xil wareejinta Wasaaradda Maaliyadda.

โ€”-DHAMMAADโ€”-

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‡๐š๐ง๐ญ๐ข๐๐ก๐จ๐ฐ๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‰๐…๐’ waxa uu ku faraxsan...